Beryihii hore, ganacsigu wuxuu ku dhisnaa badeecad iyo alaab la taaban karo. Shirkaduhu waxay habeen iyo dharaar ku tartami jireen sidii ay u keeni lahaayeen wax ka tayo fiican, ka jaban, ama ka waxtar badan kuwa kale. Laakiin maanta dunidu way isbeddeshay; tartanka dhabta ahi maaha alaabta aad iibinayso, ee waa sida aad dareenka dadka u hantidid. Qofka ku guuleysta inuu indhaha dadka iyo maskaxdooda soo jiito, wuxuu gacanta ku dhigaa awood aad uga weyn kuwii warshadaha waaweyn ee hore loo lahaan jiray. Taasi waa waxa loogu yeero ‘attention economy’—waa nidaam dhaqaale oo hal shay oo kaliya ku dhisan: kaas oo ah maskaxdaada.
Marka aad taleefankaaga furto, waxaad u malaynaysaa inaad application isticmaalayso, laakiin dhab ahaantii adiga ayaa la kugu shaqaysanayaa. App-kani ma iibinayo macluumaad iyo muuqaallo uun ee dhab ahaantii wuxuu suuqa geynayaa waqtigaaga nolosha ka midka ah. Waqtigaas ayaana loo beddelaa xayeysiisyo, xog lagaa ururiyo, iyo saameyn laguugu yeesho. Sidaas darteed, qof kasta oo nidaamkan qayb ka ahi hal ujeeddo ayuu leeyahay: inuu dareenkaaga xado, ka dibna uu kugu sii hayo shaashadda horteeda inta ugu badan ee suurtagalka ah.
Sirta dhabta ah ee ka dambaysa guusha shirkadahan teknoolojiyada waa inay si dhab ah u barteen sir yar oo ku saabsan dabeecadda maskaxda bini’aadamka. Maskaxdeennu dabiici ahaan waxay u oomman tahay waxyaabaha degdegga ah, kuwa cusub, iyo kuwa aanad hore u sii ogeyn waxa ay yihiin. Sidaas darteed, nidaamka ay baraha bulshadu ku shaqeeyaan (algorithms) waxay si joogto ah kuu siinayaan wax kugu kiciya shucuur ama si yar kuu xiiso geliya, si ay maskaxdaada ugu hayaan wareeg aan dhammaad lahayn oo ‘dopamine’ ah. Arrintani maaha mid iska dhacday ee waa wax si gaar ah loogu farsameeyay in lagu dabin weeyo dareenkaaga.
Marka uu wareeggaas mar qura kuu bilowdo, waqtigii oo dhan ayaa sidii uumi u baxa. Waxaad is leedahay ‘hal video oo yar ayaan iska eegayaa,’ laakiin marka aad indhaha kor u qaaddo, mise saacad dhan ayaa kaa luntay adigoon dareemin. Hal qoraal oo aad akhriday ayaa si lama filaan ah isu beddela tobanaan kale oo aan dhammaad lahayn. Algorithm-ku wuxuu si dhab ah u fahmay hal sir oo weyn: haddii aad meesha sii joogto, isagu wuu sii shaqaynayaa. Mar kasta oo uu isagu sii shaqeeyona, shirkadda ayaa lacag ka samaynaysa daqiiqad kasta oo noloshaada ka mid ah oo halkaas ku baaba’da.
Dhaqaalaha dareenku (Attention economy) maaha oo kaliya sheeko ku kooban tiknoolojiyada iyo apps-ka ee dhab ahaantii waa arrin salka ku haysa dhaqaalaha iyo cilmi-nafsiga maskaxda bini’aadamka. Xayeysiis kasta oo dunida ka jira wuxuu ku tiirsan yahay hal qodob oo qura: waa inaad indhaha ku dhufataa. Haddii aanad arkin, waxba lama iibin karo. Sidaas darteed, shirkad kasta oo doonaysa inay alaabteeda suuqgeyso waxay marka hore ku khasban tahay inay ‘xaddo’ dareenkaaga. Taas ayaa keentay in dareenkaagu uu noqdo khayraadka ugu qaalisan ee qarnigan aan ku jirno—waa dahabka cusub ee qof kastaa rabo inuu qayb ka helo.
Laakiin waxa ugu layaabka badan ayaa ah in dad badani aysan haba yaraatee dareensanayn in ‘dareenkoodu’ uu yahay lacag dhab ah. Waxay u qaataan in waqtiga ay ku bixinayaan internet-ka uu yahay madadaalo iska caadi ah, balse nidaamka oo dhami wuxuu u arkaa sidii ganacsi weyn oo kale. Ilbiriqsi kasta oo aad ku bixiso platform-yadaas, qiime go’an ayuu leeyahay. Qiimahaasna waxaa bixinaya shirkadaha xayeysiiska u baahan, halka ay jeebka ku shubtaan shirkadaha teknoolojiyada ee adiga kugu haysta shaashadda.
Saameynta ugu weyn ee uu ‘attention economy-ga’ kugu yeelanayo dhab ahaan maaha lacagta lagaa samaynayo ee waa sida uu u beddelayo ‘fekerkaaga.’ Marka uu algorithm-ku noqdo midka go’aaminaya waxa aad maalin kasta hor fadhido, wuxuu si tartiib ah u qaabeynayaa waxyaabaha aad maskaxdaada ku hayso. Wax kasta oo aad marar badan aragto, maskaxdaadu waxay u qaadataa inay yihiin waxyaabaha ugu muhiimsan ee nolosha ka jira. Sidaas ayay maskaxdu u shaqaysaa—wax kasta oo si joogto ah hortaada loogu soo celceliyo, waxay muddo ka dib kuula muuqdaan inay yihiin ‘run’ aan la dafiri karin.
Taasi waa sababta dhabta ah ee aad u arkaysid in waxyaabaha ugu saamaynta badan internet-ka aysan mar walba ahayn kuwa ugu saxan ama ugu aqoonta badan; balse ay yihiin kuwa ugu horreeya ee indhahaaga qabanaya. Muuqaallada xanaaqa xambaarsan, wararka cabsida geliya dadka, ama sheekooyinka shucuurta kiciya ayaa mar kasta ka guuleysta falanqayn degan oo cilmi ku dhisan. Sababtuna waa mid aad u fudud: shucuurta ayaa dareenka bini’aadamka qabata si aad uga xoog badan inta uu caqligu qaban karo.
Qof kasta oo ku dhex nool nidaamkan ‘attention economy-ga’ wuxuu mararka qaar dareemaa daal maskaxeed oo aan caadi ahayn. Maskaxdeennu waxay maalin kasta qaadataa xog aad u badan oo aan lahayn wax xuduud ah ama kala joogsi ah. Buux-dhaafkaas xogta ahina wuxuu si tartiib-tartiib ah u daciifiyaa awooddaadii aad wax ugu fiirsan lahayd (focus) iyo hab-fekerkaaga qoto dheer. Marka ay diiraddu kaa yaraatona, waxaa kugu adkaanaysa inaad dhisatid wax weyn ama aad muddo dheer ka shaqaysid hal yool. Taas ayaana dhab ahaan ah saameynta ugu qarsoon ee uu nidaamkani ku leeyahay noloshaada.
Laakiin marka aad si dhab ah u fahanto sida uu u shaqeeyo nidaamkan ‘attention economy’, waxaad bilaabaysaa inaad wax walba si ka duwan u aragto. Waxaad ogaanaysaa in dareenkaagu uu yahay awood weyn oo aad leedahay. Qofka raba inuu dib u hantiyo qayb ka mid ah maskaxdiisa, waa inuu isagu maamulaa halka uu indhaha iyo maskaxda la raaco, halkii uu xadhigga u dhiibi lahaa algorithm-ka. Halkaas ayayna xorriyadda dhabta ahi ka bilaabataa—xorriyaddu maaha inaad internet-ka gabi ahaanba iska gooyso, ee waa adigoo si buuxda u dareensan sida uu nidaamkani isku dayayo inuu kuu isticmaalo, ka dibna aad adigu go’aanka gaarto.
Ugu dambayntii, waa inaan qirannaa in nidaamka ‘attention economy’ uu yahay mid si aad u caqli badan loo agaasimay. Ma jiro qof kugu qasbaya inaad isticmaasho, laakiin adiga ayaaba mar walba si iskii ah ugu soo laabta, sababtoo ah maskaxdeenna ayaa u dhalatay inay jeceshahay kicinta iyo xogta cusub. Laakiin qofka fahma dabinadan qarsoon ee loo dhigay, wuxuu bilaabayaa inuu is weydiiyo hal su’aal oo muhiim ah: Yaa dhab ahaan isticmaalaya waqtigayga? Marka aad su’aashaas dhex dhigto maankaaga, ayaad bilaabaysaa inaad dib u hanato qiimihii noloshaada.
Marka aad su’aashaas weydiiso naftaada, dareenkaagu ma sii ahaanayo wax iska yaalla oo qof kastaa qaadan karo, ee wuxuu kuu noqonayaa hanti qaali ah oo aad ilaashato. Waqtigaas, nidaamka ‘attention economy’ ma noqonayo mid adiga kugu shaqaysta ama ku maamula, ee wuxuu noqonayaa shay aad nuxurkiisa fahamsan tahay—waxaadna dib u helaysaa awoodda aad adigu ku go’aansanayso halka aad noloshaada u hureyso.










