Dadka badankoodu marka ay maqlaan erayga algorithm, waxay u maleynayaan inuu yahay erey farsamo oo la xiriira barnaamijyada kombiyuutarka. Waxay u arkaan wax ay fahmi karaan oo keliya dadka ka shaqeeya teknoolojiyada. Laakiin xaqiiqadu waa ka duwan tahay. Algorithm-ku maanta ma aha oo kaliya xeerar ku jira kombiyuutar ee waa nidaam si aamusnaan ah u qaabeeya waxa aad aragto, waxa aad akhrido, iyo mararka qaarkood xitaa waxa aad ka fikirto.
Maalin kasta marka aad furto taleefankaaga, waxaad la kulmeysaa content si gaar ah loogu doortay. Muuqaalka ugu horreeya ee aad aragto, qoraalka ku xiga, iyo xitaa xayeysiisyada shaashaddaada kasoo muuqda ma aha kuwo si random ah u yimid. Waxaa jira nidaam qarsoon oo go’aaminaya waxa aad aragto iyo waxa aanad aragayn. Nidaamkaas ayaa ah algorithm.
Algorithm-ku wuxuu shaqeeyaa isagoo ururinaya xog. Wuxuu fiiriyaa waxyaabaha aad jeceshahay, muuqaalada aad daawatay, qoraalada aad like gareysay, iyo xitaa waqtiga aad ku qaadato hal post. Xogtan yar yar marka la isku geeyo, waxay u noqotaa sawir cad oo ku saabsan waxa maskaxdaadu xiisaynayso. Markaas ayuu algorithm-ku bilaabaa inuu kuu soo bandhigo waxyaabo la mid ah kuwii hore.
Bilowga, tani waxay u muuqataa mid faa’iido leh. Waxaad aragtaa waxyaabo aad jeceshahay, waxaana yaraada waxyaabaha aanad xiisaynayn. Laakiin marka nidaamkani sii socdo muddo dheer, wuxuu bilaabayaa inuu sameeyo wax ka weyn kaliya habayn content. Wuxuu dhisaa waxa loo yaqaan digital environment — jawi dijitaal ah oo si gaar ah loogu sameeyay adiga.
Jawi noocaas ah wuxuu leeyahay saameyn qoto dheer. Marka qofku marar badan arko fikrado la mid ah, maskaxdu waxay u maleysaa in fikradahaas ay yihiin kuwa ugu badan ee dunida ka jira. Waxaa yaraada fursadda qofku ku arki lahaa aragtiyo kale oo ka duwan. Sidaas ayay algorithm-yadu si tartiib tartiib ah u dhisaan waxa loo yaqaan “echo chamber,” meel fikrado isku mid ahi isku soo noqnoqdaan.
Saameyntani ma aha mid ku kooban fikirka kaliya ee waxay gaartaa habka aad u aragto dunida. Haddii content-ka aad aragto badankiisu yahay mid xanaaq leh, maskaxdu waxay bilaabaysaa inay u aragto dunida meel buuq badan leh. Haddii aad aragto kaliya muuqaal guul iyo raaxo leh, waxaad u malayn kartaa in nolosha dadka kale ay mar walba tahay mid sahlan. Labaduba waa sawir aan dhameystirneyn oo ay sameeyeen nidaamyada dijitaalka ah.
Sababta algorithm-yadu u shaqeeyaan sidaas waa mid dhaqaale. Platform-yada waaweyn waxay ku tartamaan hal shay: waqtiga dadka. Inta badan ee aad ku sii jirto app-ka, waa inta badan ee ay shirkaddu kasban karto lacag xayeysiis. Sidaas darteed algorithm-ku wuxuu baranayaa waxa uu jecel yahay dareenkaaga, kadibna wuxuu kuu soo bandhigayaa waxyaabo sii kordhiya waqtiga aad ku sii nagaanayso.
Habkani wuxuu si tartiib ah u beddelaa sida aan u isticmaalno internet-ka. Halkii aan si firfircoon u raadin lahayn macluumaad, waxaan noqonaa dad sugaya waxa shaashadda nagu soo dhacaya. Nidaamku wuxuu noo keenayaa content, annaguna si fudud ayaan u sii daawaneynaa. Tani waxay u muuqan kartaa mid fudud, laakiin waxay yareyn kartaa awoodda qofka ee uu si madax bannaan u doorto waxa uu baranayo ama akhrinayo.
Waxaa muhiim ah in la fahmo in algorithm-ku uusan si toos ah u maamulin nolosha qofka. Qof walba weli wuxuu leeyahay awood uu ku go’aansado waxa uu sameynayo. Laakiin marka nidaamku si joogto ah u soo bandhigo waxyaabo gaar ah, wuxuu saameyn ku yeelan karaa jihada qofka. Waxyaabaha aad marar badan aragto waxay saameyn karaan waxa aad xiiseyso, waxa aad ka fikirto, iyo mararka qaarkood xitaa waxa aad doorato inaad sameyso.
Qofka fahma sida ay algorithm-yadu u shaqeeyaan wuxuu bilaabayaa inuu si miyir leh u isticmaalo internet-ka. Halkii uu ka sugi lahaa content-ka shaashadda ku soo dhacaya, wuxuu bilaabayaa inuu isagu raadiyo waxa uu doonayo. Wuxuu xakameeyaa waqtiga uu ku qaato platform-yada, wuxuuna ka feejignaadaa sida ay u saameyn karaan maskaxdiisa.
Internet-ku waa qalab awood leh, laakiin sida qalab kasta oo kale wuxuu u baahan yahay faham. Haddii aan la fahmin sida uu u shaqeeyo, qofku wuxuu si fudud ugu dhex lumin karaa content aan dhammaad lahayn. Laakiin marka la fahmo nidaamka ka dambeeya, shaashaddii hore u ahayd meel lagu raaco wax kasta waxay isu beddeshaa meel qofku si miyir leh u isticmaalo.
Ugu dambayntii, algorithm-yadu waxay sii ahaan doonaan qayb ka mid ah dunida dijitaalka ah. Ma aha wax si fudud looga baxsan karo. Laakiin farqiga u dhexeeya qofka uu nidaamku qaabeeyo iyo qofka nidaamka fahmay waa mid weyn. Qofka fahmay wuxuu dib u helaa awoodda doorashada. Wuxuu go’aamiyaa waxa maskaxdiisa gala, halkii uu ka ahaan lahaa qof si aamusnaan ah loogu hagayo.










