Dabinka Nolosha | Sida Looga Baxo Rat Race-ka

$0.00

Category:
Guaranteed Safe Checkout

Ma is waydiisay sababta nolosha mar walba isku mid u tahay?
Maalmo isbuuc ah oo u ekaaday, mushahar la sugo, lacagtuna ay degdeg ku dhammaato… sidee bay taasi u dhacdaa?

Sababta ayaa ah in dadka intiisa badan ay ku jiraan Rat Race — wareeg nololeed aan dhamaad lahayn, oo qofku sanado badan ku jiro isagoo aan ogeyn inuusan horay u socon, ee uu meel is-taag ku jiro.

Buuggan “Dabinka Nolosha – Sida Looga Baxo Rat Race-ka” waa iftiin kuu muujinaya xaqiiqadaas.
Ma aha sheeko la isugu qurxiyey, waa kashifaad runta ka hadlaysa, oo ka saaraysa beenta lagu soo baray, laguna xannibay maskaxda saboolnimada.

Waxaad ka baran doontaa:

  • Sida maskaxda saboolka ah ee lagu koriyey aad uga baxdo.

  • Sida loo abuuro ilo dhaqaale oo aan waqtigaaga ku xirnayn.

  • Sida aad u gaari karto xorriyad — maskax ahaan, nolol ahaan, iyo dhaqaale ahaan.

WX90K, qoraaga Soomaaliyeed ee leh hal-ku-dhegga:
“Xorriyad laguma siiyo—adigaa u kacaya,”
wuxuu buuggan u qoray dhalinyaro ka daalay beenta bulshada, una baahan run cad oo jihaysa.

Haddii aad hore u dareentay in noloshaada wax qaldan yihiin…
markaa buuggan waa jawaabta aad muddo raadinaysay.

Reviews

There are no reviews yet.

Be the first to review “Dabinka Nolosha | Sida Looga Baxo Rat Race-ka”

Your email address will not be published. Required fields are marked *