Order-ka Saxda Ah Ee Dhismaha Ganacsiga || Audience > Product > Money

Ganacsiyo badan waxay ku fashilmaan waa inay meel khaldan wax ka bilaabaan. Dadka qaar waxay madaxa la galaan raadinta lacag, ka dibna waxay soo saaraan badeeco, markay cid u iibsata waayaanna ayay xusuustaan in ay dad u baahnaayeen. Laakiin wadada saxda ah waa mid ka duwan: marka hore dhis bulsho kugu xiran, ka dib u keen xal ay u baahan yihiin, lacagta iyadaa iskeed kuu soo raaci doonta e. Qofka lacag kaliya eryanayaa wuxuu eryanayaa dhalanteed, laakiin qofka dadka dhistaa wuxuu dhisayaa mustaqbal fog.

Markaynu leenahay ‘Audience’, yaan lagu khaldin tiro iyo followers kaliya ee waa kalsooni. Waa dad ku maqlaya, ku fahamsan, oo qiime kuu arkaya. Haddii aysan aaminaad jirin, alaabtaadu waxay noqonaysaa shey iska dhex yaalla suuq buuq badan oo la isku dhex jiro. Laakiin marka dadku horey kuu aaminaan, xal kasta oo aad keento wuxuu helayaa meel uu ku dego. Taas ayaana keenta in qof product fiican wata uu fashilmo, halka mid kale oo product caadi ah wata uu guulaysto—farqigu waa xiriirka aad dadka la dhisatay.

Product-ka la dhiso ka hor inta aan la fahmin dadka, badanaa wuxuu ku dhisan yahay mala-awaal. “Waxaan u maleynayaa inay tan rabaan.” Suuqu ma daneeyo waxa aad u maleyso; wuxuu ka jawaabaa waxa uu dareemayo. Qofka dhisa audience marka hore, wuxuu helaa jawaab toos ah. Wuxuu arkaa waxa la danaynayo, waxa la iska indha tirayo, iyo waxa dhab ahaantii xanuun ah. Xogtaas ayaa ka dhigaysa product-ku mid sax ah.

Dhab ahaantii, lacagtu waa natiijo iska timaada marka aad labadii hore si sax ah u qabato. Laakiin marka aad lacagta hor dhigto go’aannadaada, wax walba waxay noqdaan degdeg iyo kaba-kab. Waxaad bilaabaysaa inaad qiime yar buunbuuniso ama aad bixiso ballan-qaadyo aadan fulin karin, taasina waxay dhaawacaysaa kalsoonidii laguugu qabay. Qofka bilowgiisa ku dhisa kalsooni waxaa laga yaabaa inay lacagtu ka daahdo marka hore, laakiin wuxuu xaqiijistay dakhli mustaqbal oo aan go’ayn.

Khalad kale oo jira waa inaan u haysanno in ‘Product-ka’ uu yahay ganacsiga oo dhan. Maya, product-ku waa hal qayb oo yar. Ganacsiga dhabta ahi waa ‘Audience-ka’ iyo nidaamka aad dhistay. Marka ay dadku kugu xirmaan aragti iyo kalsooni darteed, waxaad u keeni kartaa boqol product oo kala duwan. Laakiin haddii ganacsigaagu ku taagan yahay hal shay oo kaliya, marka uu shaygaas fashilmo, wax kastaaba way kula dhismi waayayaan. Qofka dad dhab ah haysta ma dhismi waayo haddii hal fikrad ay ka xumaato—waayo hantidiisa rasmiga ah waa dadka, ma aha alaabta.

Waxa kale oo jirta in nidaamkan saxda ahi uu kaa bi’iyo cabsida ganacsiga. Haddii aad alaab (product) kaliya ku bilowdo, waxaad mar walba ka walwalaysaa inay dadku iibsadaan iyo in kale. Laakiin haddii aad ka bilaabato dhisidda bulsho (audience), waxaad dhisaysaa xiriir ka hor intaanad waxba iibin. Marka xiriir jiro, tijaabo kasta oo aad samayso ma noqoto khatar weyn, ee waxay noqotaa wada sheekeysi dhex maraya adiga iyo dadkaaga. Taasi waa farqiga u dhexeeya ganacsi cadaadis ku dhisan iyo mid ku dhisan wada shaqeyn iyo is-faham.

Dunida hustle-ka ah waxay ku baraysaa inaad “abuurtid wax oo aad iibisid.” Laakiin dunida dhabta ahi waxay ku shaqeysaa si ka duwan: marka hore dhis meel aad ku istaagto, ka dibna ka hadal waxa aad dhistay. Meeshaas waa audience. Waa saldhig. Saldhig la’aan, wax kasta waa ku meel gaar.

Ugu dambayntii, xasuuso in lacagtu aysan ahayn yoolka koowaad; ee waa cabbir muujinaya inta uu le’eg yahay qiimaha aad abuurtay. Marka qiimaha aad dadka siiso uu sax yahay, lacagtu iyadaa iskeed kugu soo raadin doonta. Haddii qiimuhu khaldan yahayna, xataa haddii aad malaayiin xayeysiis ah ku bixiso ma badbaadin kartid. Qofka fahma nidaamkan ma degdego; wuxuu marka hore dhisataa kalsooni, ka dibna xal tayo leh, ugu dambayntiina wuxuu gartaa midhihii dhibkiisa.

Halkaan ayay ku soo xirmaysaa taxanaha Business — Deep Layer. Safarku wuxuu nooga soo bilowday sidii aan u jebin lahayn sheekooyinka khaldan ee bilowga ganacsiga, waxaan soo marnay sidii aan uga bixi lahayn daalka ‘Hustle-ka’, waxaan dhisnay xirfad waarta iyo nidaam dakhli oo kuu shaqaynaya adigoo aamusan, ugu dambayntiina waxaan fahamnay nidaamka saxda ah ee dhismaha ganacsiga. Qofka heerkan soo gaaray ma aha qof raadinaya fikrad degdeg ah oo maanta un ah ee waa qof dhisaya saldhig adag oo uu ku nalan doono mustaqbalka.

Share your love

One comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *