Marka la gaaro fahamka qoto dheer ee “Matrix-ka Nolosha,” waxaa la soo gaarayaa meel dadka badankoodu aysan waligood iska weydiin su’aal muhiim ah: Maxaa dadka casriga ah uu maskaxdooda u fashilinayaa? Maxaa keena in qof kasta maanta uu noqdo mid walwalsan, mashquulsan, cabsi ku nool, oo aan waligiis helin nasasho, xasillooni, ama awood uu ugu fakaro sida qof madax bannaan?
Dadka maanta nool waxay ku jiraan xaalad aan horey loo arag oo ah isku-dar baraha bulshada, macluumaadka tiro badan, wararka cabsi-gelinta, siyaasadda qaldan, nidaamka dhaqaale ee ku qasba in aad had iyo jeer mashquusho, iyo aduun isku dayaya inuu kaa dhigo qof kale oo ka duwan adiga dhabta ah. Laakiin qofka aan fahmin sababta uu xaaladdaas ugu jiro, wuxuu u maleynayaa in ay tahay “nolosha caadiga ah.”
Halka xaqiiqdu tahay: waa nidaam si ula kac ah u shaqeynaya, oo haddii aadan ka bixin, maskaxdaada si tartiib ah ayey u fashilaysaa adiga oo aan xitaa dareemin.
Banii’aadamka ku nool waqtigan wuxuu maalin walba ku xiran yahay qalab loo maleynayo inuu u fududeynayo nolosha (telefoonka) laakiin dhab ahaantii waa qalab maskaxda si tartiib ah u burburiya. Sawirada instagram-ka, muuqaalada TikTok-ga, qoraallada Facebook-ga, doodaha aan dhammaadka lahayn, iyo dhaleecaynta dad aanad waligaa arki doonin, waxaas oo dhan waxay maskaxda u diraan fariin ah: “Adigu ma awoodid, waad liidataa iyo dadka kale ayaa ka sarreeya.”
Waxa aad ogaato in maskaxdaada lagu jiiday jiho aysan adigu dooran: waxaad noqotay qof is barbardhiga nolol aan run ahayn, waxaad noqotay qof mar walba la leeyahay “wax kasta waa degdeg,” waxaad noqotay qof mashquul ah balse aan wax qiimo leh qaban, waxaad noqotay qof awoodda go’aan qaadashada laga lunsaday.
Waa tan dhibka ugu halista badan: maskaxda casriga ah ma helaan jujuubtii, xasilloonidii, iyo fikirkii qoto dheeraa ee ay u baahan tahay si ay u noqoto mid xor ah.
Adigoo aan oggolaan in aad keligaaga fariisato, adigoo aan oggolaan in aad la hadasho naftaada, adigoo aan oggolaan in aad fahamto cidda aad dhab ahaan tahay, sidaa ayey maskaxdaadu u daciifaysaa ilaa ay ka aaminto been?
Dhibaatada kale ee sii fogaanaysa waa in nidaamka aynu ugu yeerno “Matrix” uu si ula kac ah u bartilmaameedsado qaybaha maskaxda ee u xilsaaran fikirka qoto dheer. Waxaa lagu beeray in aad ka baqdo fikirka adag. Waxaa lagu beeray in aad doorato madadaalo degdeg ah halkii aad dooran lahayd faham qoto dheer. Waxaa lagu baray in wax walba ay tahay in lagu raadsado raaxo dhakhso ah, halkii aad ku tababaran lahayd dulqaad iyo faham dhisme leh.
Markaa su’aasha dhab ahaantii la is weydiinayo waxay tahay: Sidee bay u dhacday in qofka casriga ahi u lumiyo awooddiisii ugu muhiimsaneyd (awooddii fikirka?)
Waxa dhacaya waa in dad badan ay yihiin la-hagaajiye la’aan. Waxay u dhaqmaan sidii kambuyuutar aan antivirus lahayn. Waxay u oggolaanayaan dunida dibedda inay degto gudaha maskaxdooda, halkii ay iyagu ka maamuli lahaayeen gudaha si ay dibadda u dhisaan.
Qof aan fikir qoto dheer samayn karin, ma gaari karo go’aan sax ah. Qof aan go’aan sax ah gaari karin, ma beddeli karo xaaladdiisa. Qof aan beddeli karin xaaladdiisa, wuxuu ku dambaynayaa inuu aqbalo nidaam kasta oo la horgeeyo xitaa haddii nidaamkaas lagu hagayo sidii rati loo raro oo kale.
Taasi waa fashilka maskaxda casriga ah:
Inay iska daysay awooddii fakarka, ilaalinta, falanqeynta, iyo madax-bannaanidii.










