Dakhliga degan ma aha wax iska yimaada, mana aha gurmad degdeg ah oo xaaladda isla dhexdeeda wax ka beddelaya. Waa natiijo ka dhalata nidaam si deggan loo dhisay. Dad badan waxay maqlaan erayga “passive income” waxayna u maleeyaan nolol aan shaqo lahayn. Laakiin runta ayaa ka duwan: dakhliga degan waa shaqo hore oo si miyir leh loo habeeyey si uu u sii shaqeeyo adigoon mar walba ku lug lahayn.
Farqiga u dhexeeya hustle (hardanka) iyo quiet income (dakhliga degan) waa qaab. Hustle-ku wuxuu ku tiirsan yahay joogitaankaaga; quiet income-ku wuxuu ku tiirsan yahay nidaam. Haddii dakhligaaguuu ku xiran yahay joogitaankaaga, weli ma aadan dhisin nidaam. Waxaad dhistay shaqo kuu gaar ah. Nidaamku se waa marka qiimihii aad abuurtay uu sii shaqeeyo xitaa marka aad ka maqantahay.
Dakhli degan kama bilaabmo lacag ee wuxuu ka bilaabmaa qiime la soo saaray. Qofka leh xirfad la tijaabiyey, faham suuq, iyo awood uu ku xalliyo dhibaato, ayaa dhisi kara wax soo noqnoqda. Waxaa laga yaabaa inay noqoto adeeg la habeeyey, content si nidaamsan u shaqeeya, ama hab u oggolaanaya dad kale inay ku shaqeeyaan qaab aad dejisay. Qaabku waa furaha ee ma aha fikradda.
Waxaa jira khalad caadi ah: in dakhliga degan lagu degdego. Dadku waxay rabaan natiijo aan u baahnayn dulqaad. Laakiin nidaam walba oo shaqeeya wuxuu u baahan yahay waqti, tijaabo, iyo hagaajin. Qofka ka niyad jaba bilowga gaabiska ah, wuxuu ku noqdaa hustle. Qofka fahma in gaabiska hore uu yahay saldhig adag, wuxuu sii wadaa dhisidda.
Quiet income-ku wuxuu sidoo kale u baahan yahay kala saarid. Ma aha inaad ku mashquusho wax kasta ee waa inaad diirada saarto wax shaqeeya oo la cabbiri karo. Qofka ku dhex luma fikrado badan, ma dhiso nidaam. Qofka xaddida oo hagaajiya, wuxuu helaa joogto. Joogtadaas yar ayaa isu beddesha kalsooni, kalsooniduna waxay dhalisaa ballaarin.
Waxaa jirta arrin kale oo muhiim ah: dakhli degan macnaheedu ma aha in aan marna la maamulin ama la daryeelin. Wuxuu u baahan yahay kormeer, hagaajin, iyo mararka qaar dib-u-habayn. Laakiin farqiga ayaa ah in shaqadu aysan ku xirnayn saacadahaaga oo dhan. Waxaad haysataa waqti aad ku fikirto, ku barato, oo ku dhisto wax cusub. Waqtigaas la helo ayaa ah calaamadda xorriyadda bilowga ah.
Nidaamku wuxuu neceb yahay dad leh il dakhli oo aan si fudud loo xakameyn karin. Qofka leh quiet income wuxuu yareeyaa ku-tiirsanaanta hal meel. Marka ku-tiirsanaantu yaraato, cabsidu way yaraataa. Marka cabsidu yaraato, go’aannadu way noqdaan kuwo miyir leh. Taasi waa sababta quiet income-ku u yahay wax ka badan lacag, waa qalab maskaxeed.
Ugu dambayn, dhisidda dakhli degan ma aha in la gaaro heer aad waxba qaban. Waa in la gaaro heer aad dooran karto waxa aad qabaneyso. Doorashadu waa furaha. Qofka haysta doorashooyin badan ma degdego, mana ku gubto hustle. Wuxuu u dhisaa si deggan, wuxuuna u kordhiyaa si miyir leh.
Halkaan ayay ku sii dhammaanaysaa BUSINESS — DEEP LAYER. Qofka halkan gaaray ma raadinayo fikrad degdeg ah ee wuxuu raadinayaa qaab uu ku dhiso wax u shaqeeya isaga. Qaabkaas ayaa ka dhigi doona ganacsiga mid baxsad ah ee ma aha mid mashquul kale ku galiya!










