Aan wejiga ka faydno xaqiiqo qadhaadh oo dad badani ay ka dhuuntaan: Dadka badankoodu maanta shabakadda uguma jiraan inay guri dhistaan; waxay ugu jiraan inay ka dawadaan daaqadaha guryaha dadka kale. Subaxdii markay indhaha kala qaadaan, gacantoodu waxay toos u abbaartaa taleefanka. Habeenkiina waxay indhaha isku qabtaan iyagoo weli faraha la raadinaya badweyn aan dhammaad lahayn oo madadaalo raqiis ah, muuqaalo, iyo aragtiyo shisheeye ah. Maalin kasta maskaxdooda waxay ku quudiyaan warar iyo dhambaalo aysan shaqo ku lahayn, laakiin su’aasha wadno xanuunka ah ee ay iska indho-tiraan waa tan: Quudintaas joogtada ah, maxay noloshooda dhab ahaan ka beddeshay? Jawaabtu waa nothing!
Sababta dhabta ah ee noloshu isku beddeli weyday ma aha nasiib darro. Sida cilmiga saykoolojiyaddu qabo, qofka mar walba wax liqa, laakiin aan marnaba wax soo saarin, wuxuu si dagenaan ah u noqdaa maxbuus ku dhex nool maskaxda dadka kale. Wuxuu arkaa uun waxa nidaamyada mashiinada dahsooni ay hortiisa dhigaan si ay ugu jiheeyaan meesha ay rabaan. Ugu dambayn, waqtigiisa, tamartiisa, iyo noloshiisa oo dhan wuxuu ku bixiyaa inuu naaxiyo nidaam isaga sii afjaraya. Maanta, dunidu laba qolo un bay u qaybsantay: Qolo waqtigooda bixisa si loo maamulo dareenkooda, iyo qolo waqtigaas dadka kale u beddelata awood, taageerayaal, iyo dakhli xor ah. Mid wuxuu joogaa dhinaca silsiladdu ku xiran tahay, midna wuxuu hayaa furihii silsiladda.
Dhaqaaleyahannada casriga ahi waxay qabaan xikmad adag: “Lacagtii bari waa diiradda iyo dareenka dadka maanta.” Lahaanshaha dhabta ah ee qarnigan ma aha uun dhul ama dhismooyin waaweyn; waa lahaanshaha dareenka shacabka. Haddii aad awood u leedahay inaad dadka soo jiidato, aad xajisato, oo aad fikir ku beerto—xitaa haddii dadkaasi ay tiro yar yihiin—waxaad gacanta ku haysaa hanti ka qiimo badan kayd dahab ah. Qofka leh cod la maqlo, wuxuu gacan ku hayaa awood uu ku beddeli karo xaqiiqadiisa. Qofka aan wax curinayni, wuxuu la mid yahay qof guri kiro ah deggen oo maalin kasta bixinaya kiro ah waqtigiisa iyo caqligiisa, si uu hantiilaha giga u sii taageero.
Tallaabada lagu jebinayo silsiladdan ma aha inaad hal habeen ku noqoto qof adduunka laga yaqaan. Waa inaad beddesho maskaxdaada:
- Ka Guur Daawade una Guur Wax-dhise: Curintu ma aha uun sawirro iyo muuqaalo iska socda. Waa in aad leedahay cod, fikrad, iyo aragti bulshada gaarta oo beddesha xaaladdooda.
- Jooji Bixinta, Bilow Maalgelinta: Beddelkii aad maalin kasta dadka kale guushooda u sacabin lahayd, is-weydii: “Maxaan anigu seeska u dhigayaa maanta?”
- Dhis Awooddaada (Ownership): Markaad bilowdo inaad wax soo saarto, xitaa haddii aad hal qof wax u qorayso, waxaad iska tuuraysaa silsiladihii laguugu xiray kuraasta daawadayaasha. Waxaad joojinaysaa inaad shabakadda u aragto meel waqtiga lagu dilo, waxaadna u aragtaa hub aad ku dhisto madax-bannaanidaada.
Tani waa sababta mashiinkani u kala qaybiyey aadanaha: dad qaar wuxuu ka dhigay kuwo haysta xorriyad maaliyadeed oo dhab ah, dadka badankoodna wuxuu ka dhigay kuwo mashquul ah oo maskax ahaan madhan. Farqigu marnaba ma ahayn khadka ama qalabka la haysto; farqigu wuxuu ahaa dhinaca miiska ay soo fariisteen. Mid wuxuu go’aansaday inuu dhiso isagu, midna wuxuu ku ekaaday daawasho uun. Qofka aan dhisin wax isagu leeyahay, xukunka ku dhacayaa waa inuu noloshiisa oo dhan ku dhex noolaado dhisme ay dad kale nashqadeeyeen.
Ugu dambayn, xaqiiqada qaawan waa inaad miiska soo saarto hal su’aal oo aan cudur-daar lahayn: Adigu ma mashiinka ayaad maamulaysaa… mise mashiinka ayaa adiga ku maamulaya?










