Xakameynta Ugu Xun Waa Tan aan la Arkayn || Maanta adigaa ku Dhex Nool

Dadka badankood waxay jecel yihiin inay rumaystaan hal fikir oo raaxo leh: in noloshooda ay iyagu maamulaan. Waxay aaminsan yihiin in go’aannadooda ay ka yimaadaan rabitaankooda, in jidka ay ku socdaan uu yahay mid ay iyagu doorteen, iyo in xorriyaddu ay tahay xaqiiqo ay haystaan.

Laakiin mararka qaar runta aan iska indho-tirayno ayaa ah tan ugu muhiimsan ee aan u baahannahay inaynu aragno.

Maxaa dhacaya haddii inta badan waxa aad doorasho u taqaan ay yihiin wax si tartiib ah lagugu geliyay? Maxaa dhacaya haddii fikradahaaga, cabsiyaashaada, iyo xitaa waxa aad u aragto guul ay yihiin wax la qorsheeyay kahor intaadan adigu si dhab ah uga fikirin?

Dadku waxay badanaa u maleeyaan xakamaynta inay tahay amar muuqda—qof kuu sheegaya waxa aad samaynayso, sharci kugu khasbaya, ama awood si cad kuu xannibaysa. Laakiin xakamaynta casriga ahi sidaas uma shaqeyso.

Nidaamka maanta ku maamula uma baahna silsilado muuqda. Uma baahna albaabo lagaa xiro. Waxa uu u baahan yahay oo kaliya inuu xakameeyo waxa aad aaminsan tahay.

Marka qofku rumaysto inuu xor yahay, xitaa isagoo ku jira nidaam si fiican loo dhisay, xakamayntu waxay noqotaa mid ka xoog badan tan khasabka ah. Sababtoo ah qofku lama dagaallamayo wax uusan arkin.

Tan ayaa ka dhigaysa xakamaynta casriga ah mid khatar badan.

Waxay ka bilaabataa meelaha ugu caadiga badan. Waxbarashada ayaa kuu sheegta waxa guul loo yaqaan. Bulshada ayaa kuu sheegta sida qof wanaagsan loo noqdo. Warbaahinta ayaa kuu sheegta waxa aad ka baqayso iyo waxa aad u baahan tahay inaad raacdo. Social media waxay kuu sawirtaa nolosha ay tahay inaad rabto. Si tartiib ah, adigoon dareemin, waxaa la dhisayaa qaab fikir oo aanad adigu samayn.

Waxaad ku kortaa nidaam kuu sheegaya in jidka saxda ahi yahay mid hore loo dejiyay—iskuul, shaqo, mushahar, deyn, kadib sugitaan nolol ka wanaagsan oo mar walba u muuqata inay berrito iman doonto.

Qof kasta oo ka baxa jidkaas waxaa loo arkaa mid khatar badan ama mid waalan.

Laakiin su’aasha dhabta ahi waa tan: haddii qof walba lagu wado hal waddo, yaa ka faa’iideysanaya?

Nidaamku ma jecla dadka si qoto dheer u fikiraya. Wuxuu jecel yahay dadka mashquulsan, daallan, oo aan waqti u helin inay is weydiiyaan sababta ay wax u samaynayaan. Qofka mar walba ku jira badbaado maalinle ah ma helo fursad uu ku arko sawirka weyn.

Taasi waa sababta mashquulku u noqday qalab xakameyn.

Marka dareenkaaga lagu hayo bills, stress, comparison, iyo entertainment aan dhammaad lahayn, waxaad luminaysaa awoodda aad ku arki lahayd waxa dhab ahaantii socda. Waxaad ku nooshahay falcelin ee ma aha doorasho.

Kadib waxaad is leedahay: “Tani waa qaabka nolosha.”

Laakiin haddii aad daacad noqoto, mararka qaar gudahaaga waxaa ka soo baxa dareen aamusnaan leh—dareen kuu sheegaya in wax khaldan yihiin. In noloshu aysan ahayn sidan keliya. In laga yaabo inaad ku jirto nidaam kaa raba inaad noqoto qof la saadaalin karo, ee aan ahayn qof xor ah.

Dareenkaas ha iska indhatirin.

Sababtoo ah baraaruggu halkaas ayuu ka bilaabmaa.

Marka aad bilowdo inaad su’aalo weydiiso, nidaamku wuxuu luminayaa xooggiisa. Marka aad joojiso inaad si indho la’aan ah u raacdo, waxaad dib u soo ceshanaysaa qayb ka mid ah naftaada. Xorriyaddu mar walba kama bilaabato albaab furan ee mararka qaar waxay ka bilaabataa hal su’aal oo sax ah.

Yaa iga faa’iideysanaya haddii aan sidan sii ahaado?

Marka aad su’aashaas si dhab ah isku weydiiso, wax badan ayaa is beddelaya. Waxaad si kale u eegaysaa waqtigaaga, shaqadaada, saaxiibbadaada, iyo xitaa riyooyinka aad leedahay. Waxaad ogaanaysaa in qaar badan oo ka mid ah rabitaannadaada aysan xitaa adiga kaa imaan.

Taasi waa xaqiiqda dacar ka kharaar badan!

In qofku mararka qaar uusan lumin xorriyaddiisa xoog lagu qabsaday, balse uu ku lumiyo isagoo si tartiib ah u aqbalaya nolol aan isaga uusan dooran.

Xakamaynta ugu fiican waa tan aan la dareemin.

Waana sababta ay dadka badankood weli ugu jiraan—iyagoo aaminsan inay bannaanka joogaan.

Share your love

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *