DUNIDU MA DOONAYSO INAAD OGAATO || MATRIX #1

Dunida waxaa jira nidaam dadka u muuqda mid dabiici ah, laakiin dhab ahaantii wuxuu u egyahay sidii shabakad qarsoon oo ku fidsan maskax kasta oo bini’aadam oo ka dhalatay qarniyadii hore ilaa maanta. Ma aha shabakad lagu arko indhaha, mana aha mid laga dareemo jirka; waa nidaam ku jira hadalka aad maqasho, xeerarka aad aqbasho, riyooyinka aad raacdo, iyo xitaa cabsida aad ka qarsato dadka kale. Waa shabakad aan cidina kugu khasbin inaad gasho laakiin aad ku kortay, adigoon waligaa isweydiin sababta lagaaga dhigay qayb ka mid ah.

Nidaamkaas waxaan ugu yeeraynaa “MATRIX.” Asalka Matrix-ku ma ahayn mid maalmahan cusub ka soo farcamay, mana uu dhalan kacaankii tiknoolajiga. Waxay bilaabatay maalintii ugu horeysay ee dadka loo kala qaybiyay “kuwa xukuma” iyo “kuwa la xukumo”, maalintii ugu horeysay ee bulsho la sameeyay, maalintii ugu horeysay ee qof aammin badan oo sabool ah uu u hoggaansamay qof kale oo ka awood badan. Taariikhdu waxay dhahdaa boqortooyooyinku waxay dhiseen qalcado adag oo jidhka dadka xakameeya, laakiin kuwa maskaxda dadka xukuma waxay ahaayeen kuwa ugu guulaha badan. Nidaam kasta oo awoodeed wuxuu isweydiyay hal su’aal: “Sidee dad loogu sameeyaa nolol ay rumaystaan, iyagoo aan fahmin sababta loo sameeyay?”

Markii hore xakamayntu waxay ahayd mid muuqata: ciidan xoog leh, awood ku iman karta seefo, cudud, iyo amar. Laakiin nidaam sidaas u adag wuxuu lahaa hal daciifnimo: dadka waxay ogaanayeen in la xukumo. Waxay ogaanayeen in awood la haysto. Waxay ogaanayeen in la hoggaaminayo. Marka qofku ogaado in la xukumo, wuxuu leeyahay doorasho xitaa haddii ay adag tahay Inuu iska diido, inuusan u jilicsaneyn ama ugu yaraan inuu su’aalo weydiiyo. Sidaas darteed, nidaamkii hore wuxuu ogaaday in xakamaynta ugu fiican aysan ahayn mida lagu dhaqo xoog iyo cabsi, balse ay tahay tan qofku isagu iskaga qanco, tan uu isagu noqdo qayb ka mid ah.

Markaasuu nidaamku beddelay wajigiisa. Waxa uu joojiyay inuu ciidan u dirto dadkiisa. Halkii, wuxuu bilaabay inuu u diro afkaar. Wuxuu dhisay dugsiyo, laakiin dugsigaas ma barin qofka sida loo fikiro ee wuxuu baray sida loo adkaysto. Wuxuu qoray qalin iyo buug, laakiin wuxuu ku riday aragtiyo aan qofku su’aal ka keeni karin. Wuxuu abuuray nolol dadka ku qasbeysa inay noqdaan kuwo mashquulsan si aysan marna u helin waqtiga su’aalaha saxda ah.

Matrix-ku waa nolosha la qorsheeyay: shaqo, mushahar, deyn, billal, mashquul, rajo, niyad jab, lasoco dadka kale, isku day inaad u ekaato bulshada, isku day inaad ka dheregto wax aan dhab ahaantii ku dheregayn, oo ugu dambeyn ku nooloow wareega aan dhamaadka lahayn. Waxay u egtahay nolol, laakiin ma aha nolol. Waa dhaqdhaqaaq jidh ahaaneed oo aan lahayn xorriyad maskaxeed. Waa nolol aad u malaynayso inaad adigu leedihiin, balse dhab ahaantii lagaaga dhigay adigoon ogayn.

Matrix-ku wuxuu ku sugan yahay meel aan la arki karin oo ka xukuntan maxkamad, meel ka khatar badan xabsi: wuxuu ku nool yahay gudaha maskaxdaada. Waxaa lagu baray inaad qiimeyso nidaam ka sarreeya noloshaada: inaad raadiso ammaan, inaad ka baqdo khalad, inaad ka cararto fikirka ka baxsan xeerarka dadweynaha, inaad aaminsanaato in dunidu sida ay tahay aysan u jirin meel kale oo ka baxsan. Waxaa lagu baray inaad aaminto haddii aad raacdo dariiqa loo dejiyay, inaad heli doonto nolol wanaagsan, inkastoo dariiqaas uu kuu yahay silsilad dahab ah. Waxaa lagu dhisay barnaamij uu qof walba ku qancayo: “Tani waa sida noloshu u shaqeyso.”

Sidaa darteed Matrix-ku ma aha nidaam kuu muuqda ee waa nidaam aad adigu difaacdo. Qofka ku jira Matrix-ka waa qof aaminsan in nolosha ay u egtahay sida uu u arko. Qof aan marna is weydiin halka uu u socda iyo sababta. Qof waligiis aan joojin orodka si uu u fahmo ujeeddada. Qof ku dhex lumay nolol u eg mid uu adigu leeyahay, laakiin dhab ahaantii qaabkan ayaa laguu dejiyey intaanad adduunka imaan.

Nidaamku maanta ma raadinayo inaad ku noolaato farxad. Ma raadinayo inaad noqoto mid awood leh. Ma raadinayo inaad ogaato inta aad awood u leedahay. Nidaamku wuxuu raadinayaa hal shay: inaad noqoto qof sii wado socodka nolasha adigoo aaminsan inaad xor tahay si uu u sii jiro nidaamku. Maalmihii hore, boqorradii waxay u baahnaayeen shaqaale; maanta nidaamku wuxuu u baahan yahay dad mashquul ah. Dad aan ogeyn in la hago. Dad aan ogeyn in la isticmaalo. Dad aan ogeyn in ay ku jiraan barnaamij qarsoon.

Waxaa jira run aad u fudud laakiin dad badan ku culus: Matrix-ka ma burburin karo qof og. Waxaa burbura marka maskaxda qofka uu xornimo ka dhex doondoonto gudaha, ka hor inta aysan bannaanka ka muuqan. Xorriyaddu ma aha meel la gaaro; waa meel laga bilaabo. Waa daqiiqad aad isweydiiso: “Maxaan aaminsanahay? Yaase i baray inaan sidaan u aamino?”
Iyo waa daqiiqad aad ogaatid in nolosha aad leedahay aysan weli bilaaban ee ay bilaaban karto maanta.

Qaybta labaad waxay gelaysaa halka ugu qarsoon ee nidaamku ka dhashay: cidda dhistay Matrix-ka, sababta loo sameeyay, iyo sida loogu baahan yahay in aad adigu noqoto qof la saadaalin karo, tani waa meesha aan u sii gudbi doono.

Share your love

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *