Physical Address
304 North Cardinal St.
Dorchester Center, MA 02124
Physical Address
304 North Cardinal St.
Dorchester Center, MA 02124
“Aqoonta maaliyadeed waa ilaalo kuu sugeysa hantidaada, waana dariiqa kor loogu kaco ilaa laga gaaro xornimo nololeed.”
Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!Dadka intooda badan ma baran sida lacagta loola tacaalo. kuma baran iskuulka, mana helaan qof u dhiga. Natiijadu waxay noqotaa nolol laga buuxiyo walwal lacageed, deymo, iyo himilooyin aan hirgelin. Laakiin haddii aad hesho aqoon maaliyadeed (financial literacy), waxaad bilaabi doontaa inaad xakamayso noloshaada dhaqaale.
Hoos waxaa ku xusan shan waxyaabood oo aasaasi u ah fahamka saxda ah ee maaliyadda — kuwaas oo qof kasta u baahan yahay inuu barto si uu nolol xor ah u gaaro:
Haddii aadan maareyn karin wax yar, wax weynna laguma aaminayo. Waa in qofku barto:
Qofka fahamsan dakhliga, wuxuu ogyahay halka uu ka yimaado, meesha uu ku baxay, iyo inta uu kaydin karo. Lacag aan la xisaabin, waa lacag la khasaarshay.
Kaydku ma aha wax lagu raaxeysto, waa hubka kaa difaaca musiibooyinka. Xanuun, shaqo la’aan, ama mashruuc degdeg ah — waa dhacdooyin lama huraan ah oo nolosha ku yimaada.
Qofka leh kayd, wuxuu leeyahay nafis maskaxeed, wuxuuna go’aan qaadan karaa isagoo xor ah. Ugu yaraan, waa in la yeesho emergency fund ah oo dabooli kara kharashaadka 3 ilaa 6 bilood.
Deyn kastaa ma xuma, balse faham la’aanta deynta ayaa xun. Dad badan waxay ku dhacaan qabasho dhaqaale, sababtoo ah:
Financial literacy waxay baraysaa qofka inuu kala saaro:
Marka aad barato in lacagtaadu kuu shaqeyn karto adiga oo aanad jirin, waxaad gashay heer sare. Maalgashigu waa:
Waxaa muhiim ah in qofku barto aasaaska:
Mid ka mid ah waxyaabaha dad badan dhayalsadaan waa canshuuraha iyo kharashaadka qarsoon. Dadka financial literacy leh:
Faham la’aanta sharciga maaliyadeed waxay kaa dhigeysaa mid aan difaac laheyn marka arrimaha kugu adkaadaan.
Financial literacy ma aha wax raaxo ah, ee waa baahi nolosha lagama maarmaan u ah. Shan qodob oo keliya haddii aad si dhab ah u baratid, waxaad naftaada ka saari kartaa saboolnimo, deyn, iyo wareer joogto ah. Waxaad heli kartaa:
Lacagta haddii aadan baran sida loo maareeyo, adiga ayay kaa maarayn. Laakiin haddii aad barato, adigaa maarayn doona noloshaada.